Faransiiska Oo Dayaarado Dagaal U Diray Dalka Sacuudiga Heegana Galiyey Ciidankiisa

Dowlada Faransiiska ayaa heegan sare galisay Milatariga uga sugan bariga dhexe iyadoo u dirtay qalabka la socda dhaqdhaqaaqa hawada ee loo yaqaan radar-ka iyo diyaaradaha dagaalka.

Saraakiil ka tirsan xukuumada Paris ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ciidanka Jaguar ee ku sugan xeebaha bari ee Sacuudiga la xoojiyay.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa dhankiisa sheegay in xiisada colaadeed ee ka taagan bariga dhexe darteed ay heegan u galiyeen ciidankooda.

Milatariga Faransiiska ee ku sugan Sacuudiga ayaa ujeedkooda yahay in ay xaqiijiyaan amniga boqortooyada oo xulafo la ah wadamada reer galbeedka.

Macron ayaa intaa ku daray in Milatariga Faransiiska ay kala qeyb qaadan doonaan kuwa Mareykanka la dagaalanka kooxda daacish.