Hogaanka Sare Ee Al-Qaacida Oo Ammaanay Al-shabaab iyo jabhadda Nusrat al-Islam Ee Mali.

Maamulka sare ee al-Qaacida, ayaa soo saaray bayaan laba bog ah oo lagu amaanayo waxay ugu yeereen jihaadiyiinta Soomaaliya iyo Mali.

Bayaanka intiisa badan wuxuu diiradda saarayaa dagaallada ka socda Maali, inkasta oo uu ku dhammaanayo mahadnaq ku aaddan dagaallada Al-shabaab ay ka wado Soomaaliya iyo gobolka.

Al-Qaacida, waxay si cad u ammaaneen ururka Nusrat al-Islam wal-Muslimin (Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta) iyo kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay daacad u yihiin hoggaamiyaha Alqacida Ayman al-Zawahiri ayna sheegtaan weerarada ololaha al-Qaacida.

“Waxaan u aragnaa inay tahay waajibaadkeena inaan dhiiri galino, ku hagno wadada saxda ah, aan siino talo fiican oo aan ku amaano dadaalkooda qiimaha badan, ”ayaa lagu yiri qoraalka.”

Alqaacida, waxay kooxda Nusrat al-Islam ku ammaaneen weerarada ka dhanka ah Faransiiska iyo dalalka uu taageero ee Burkina Faso, Mali iyo Niger.” “Waxayna ku dhiirrigeliyeen inay beegsadaan ciidamada Mareykanka, qandaraasleyaasha, iyo shirkadahooda amniga ee gobolka.

Hogaanka Al-Qaacida wuxuu kula taliyay kooxaha ku midaysan ururkooda inay qayb firfircoon ka qaataan sidii loo baabi’in lahaa mashruuca Faransiiska iyo Mareykanka.