Jeel Ogadeen: Dadka “lama socdaan dacwadda lagu oogay eedeysanayaasha”

Ha’yadda Human Rights Watch ayaa warbixin kasoo saartay xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya gaar ahaan dhacdooyinkii waaweyn ee ka dhacay gobollada qaar ee dalkaas oo uu kamid yahay gobolka Soomaalida.

Ha’ayadda waxay soo hadal qaaday tacaddiyaddii ka dhacay xabsigii jeel Ogaadeen ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxay sheegtay in dadkii loo heystay inay ka dambeeyeen dhibatooyinkii ka dhacay xabsigaas aysan dadweynaha war ka heyn halka dacwaddooda ay mareyso iyo halka ay wax marayaan marka ay timaaddo halkii ay ku dambeeyeen dadkii lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen jeel ogaadeen.

Ha’yadda ayaa sidoo kale sheegtay in horumaro badan aan laga gaarin arrinta ah in lala xisaabtamo dadkii horey tacaddiyada uga geystay Itoobiya si caddaalladda loo horkeeno.

Waxay sidoo kale HRW sheegtay in 11 sanno kaddib ha’yadda laanqeyrta cas ay dib ugu howlgashay gobolka soomaalida ee dalka Itoobiya si ay gargaar ugu fidiyaan dadka ay saameeyeen dagaallada qowmiyadaha.