Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Ay Wada Qateen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Iyo Warbaahintu?

Hargeysa (GNN):- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha hay’adaha kala duwan ee saxaafadda.

Guddoomiyaha ayaa bahda warbaahinta la wadaagay sida uu uga xun yahay eedda xukumaddu u jeedisay warbaahinta, islamarkaana ku booriyay in ay ilaaliyaan Qarannimada iyo sidii Somaliland u wanaagsanaan lahayd.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

“30-ka Wariye ee xukumaddu ku eedaysay in ay Xamar ka mushahar qaataan waa talaabo lagu cabsi galinayo Warbaahinta madaxa-banaan, waana meel ka dhac, xisbi ahaan waan ka soo hor-jeednaa waanan ka tacsiyaynaya Saxaafadda Somaliland eeddaas,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Guddoomiyaha ayaa saxaafadda u sheegay in uu ogol yahay madaxbannaanida saxaafadda si ay ugu warramaan si dhexdhexaadnimo ah oo xirfadaysan “kulankani maaha mid aanu taageero idinkaga doonayno. Laakiin wuxuu daaran yahay in aynu si fiican isku xog-waraysano, wixii jira ee dhib nooc kasta leh,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Image may contain: 1 person

Guddoomiyaha ayaa sida oo kale saxaafadda u ballanqaaday in uu ka shaqaynayo kobcinteeda iyo dhawrista xorriyaddeeda “Guddoomiye ahaan iyo xisbi ahaanba waan idiin baahanahay hadda barina waan idiin baahanahay (haddaan talada qabto).”

Image may contain: 1 person, beard and closeup
Image may contain: 1 person, sitting

Waxa uu intaasi raaciyay “Diyaar baan idiin la nahay inaan idin difaacno, Waad na dhalliili kartaan; Cirro wax baad ka sheegi kartaan, Muuse wax baad ka sheegi kartaan, xukumadda wax baad ka sheegi kartaan, waayo saxaafaddu way madax-banaan tahay,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Image may contain: 1 person, eyeglasses, beard and closeup

Guddoomiyaha ayaa saxaafadda Somaliland u ballanqaaday in uu barbar istaagayo, islamarkaana ka taageerayo wax kasta oo lagu dhawrayo xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qawlka.

Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay kulanka uu la qaatay iyo sida uu ula dareen ka yahay saxaafadda madaxa bannaan.

Image may contain: 1 person, sitting

30-ka Wariye ee xukumaddu ku eedaysay in ay Xamar ka mushahar qaataan waa talaabo lagu cabsi galinayo Warbaahinta madaxa-banaan, waana meel ka dhac, xisbi ahaan waan ka soo hor-jeednaa waanan ka tacsiyaynaya Saxaafadda Somaliland eeddaas,”

Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 18 people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: 3 people, people eating, people sitting, drink and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET