Maxkamadda Adduunka oo ka hortagaysa xasuuqa muslimiinta Rohingya

Maxkamadda adduunka ayaa amartay tallaabooyin lagu badbaadinayo muslimiinta Rohinghya , islamarkaasna looga hortagayo in xasuuq loo geysto.

Maxkamadda ayaa diidday doodo ay soo bandhigtay xukuumadda Myanmar ee ay hoggaaminayso haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi.

Warkan oo faahfaahsan dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa.

Kumanaan qoowmiyadan ah ayaala laayay, iyada oo ay guryahooda ka qaxeen wax ka badan 700 kun oo qof sanadkii 2017-kii.

Barayaal Qaramada Midoobay ka tirsan ayaaka digay in uu dhici karo xasuuq.

Dacwadda maxkamadda adduunka waxaa gudbiyay dalka Gambia, waxayna ku baaqeen in talaabooyin degdeg ah laga qaado militariga dalka Myanmar, islamarkaasna la sameeyo baaritaano culus.

Myanmar ayaa ku adkaysata in gobolka Rakhine ay ka waddo sifeynta hawlo argagixisonimo ah.

Hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay in waxa ka socda gudaha dalkeeda ay yihiin kacdoon hubeysan oo ay wadaan dad ka tirsan muslimiinta Rohingya.