Nancy Pelosi Oo Trump Ugu Baaqday In Uu Agabkiisa Ka Sii Urursado Guriga Cad

Afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay madaxweyne Donald Trump xilka ka qaadis ku sameeyeen uuna sugayo oo kaliya xukunka golaha sare ee Senate-ka.

Ms Pelosi ayaa sheegtay in Trump ay tahay in uusan sugin fadhiga Senet-ka maadama mar hore uu xukunkan ansaxay.

Hadii aan ogahay in madaxweynaha uu dhageysanayo waxaa u sheegi lahaa in uu ogaado in xilka laga xayuubiyay ayey tiri Pelosi.

Dhanka kale waxay ku eedeysay Trump in uu isku dayayo in uu mashquuliyo xukunada ka dhanka ah Isaga.

Waxaad ku dhacday qiyaano qaran si qaldan ayaana u adeegsatay xafiiska adiga oo si aan habooneyn u adeegsanaya xilka ay kuu dhiibeen shacabka Mareykanka.

Dhaleeceynta ka dhanka ah Trump ayaa ku soo aadeysa iyadoo todobaadkan guddiga aqalka Congress-ka ay u gudbiyeen golaha Senetka macluumaad la xiriira sababta xil ka qaadista ay u cuskadeen.