Safaarada Somalia Ee Turkiga Oo Khasab Ugu Celinaya Soomaliya Haween Dhaawac Culus Qaba

Hooyo Soomaaliyeed oo laba gabdhood oo ay dhashay mid ku dhimatay Qaraxii 28-kii bishii hore December ka dhacay Ex-Control Afgooye midna ku dhaawacantay ayaa sheegtay inay cabasho ka tahay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara.

Hooyadan oo gabadhii uga dhaawacmatay qaraxaas iyo gabar kale oo Jaamadacadda Banaadir la dhigeynaysay u qaaday dalka Turkiga ayaa sheegtay in safaaraddu ay caawa ku soo war gelisay in habeen dambe lagu celi doono dalkii, iyadoo gabdhihii aysan bogsan oo weli ay qabaan dhaawacyo daran.

Waxay sheegtay in labada gabdhoodba ay weli qabaan dhaawacyo halis ah safarna aysan hadda u geli karin dalkii, sidaas markii ay u sheegeen safaaradana lagu gacan seyray oo loo sheegay in lasoo jaray tikidkii ay ku bixi lahaayeen.

Sidoo kale hooyadan ayaa dowladda Soomaaliya iyo tan Turkiga ka dalbatay in eyagoo aan bogsan lagu celiyo dalkii looga soo qaaday xaaladda caafimaad, waxayna ku cataawday in labadeeda gabdhood ay Indho u ahaayeen mid kamid ah Indhahaasna ay weysay, hadana ay dalbaneyso in lala badbaadiyo Idhasha u hartay oo ay kala jeedo gabadheeda dhaawaca ah.

Bal ka warran haddii Safaaradda soomaalida ee Ankara ay qasab ku celinayso dhaawacyo aan weli bogsan oo kusoo dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay Xamar.Hooyadda dhiban oo gabar ay uga dhimatay Qarax midna ay hadda ka dhaawacan tahay waa kan Telephone-keeda. +90 (552) 507 21 46

Slået op af Cali Aadan Muumin i Torsdag den 30. januar 2020