Shacabka Ciraaq Oo Loogu Baaqay In Ay Xoog Iskaga Saaraan Ciidamada Maraykanka

Xoghaye ku xigeenka dhaqdhaqaaqa Al-Najaaba ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqay shacabka dalkaasi ay qaataan go,aan ay iskaga xoreynayaan ciidanka Mareykanka.

Mr Naasir Al-Shamaari ayaa sheegay hadii uu shaqeyn waayo mooshinkii Baarlamaanka ay ku mamnuuceen joogitaanka ciidanka Ajnabiga ay taasi macnaheeda noqon doonto in shacabka Dagaalamaan.

Wareysi uu siinayay Tv-ga afka carabiga ku hadla ee Mayaadiin ayuu u sheegay in Baarlamaanka xitaa aan looga baahneyn in mooshin ay ka keenaan ka bixitaanka milatariga Mareykanka.

Al-Shamaari ayaa intaa ku daray in markii hore ay ku joogeen ogolaanshaha xukuumada loona baahan yahay in xukuumada ay xuluto dalabka lagu Saarayo ciidanka Ajnabiga.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii shirqool la soo maleegay ay ciidanka Mareykanka ku dileen Janaraal Qaasim Suleymaani oo ku sugnaa agagaarka madaarka caalamiga ah ee magaalada Baqdaad.

Talaabadan ayaa dhalisay naceyb xoogan oo shacabka ciraaq ay u qaadeen Milatariga Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.