Yaa Ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ?

Waxaa hadda lagu dhawaaqay natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug oo hadda lasoo gabagabeeyay tirinta codadka.

Waxaana ku guuleystay xildhibaan Maxamed Nuur Gacal oo helay codad gaarayo 54 cod halka Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 cod.

Waxaa hadda lagu dhawaaqay in Dr Maxamed Nuur Gacal uu yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Galmudug.