128 Arday Ayaa Gobolka Gabiley U Fadhiistay Imtixaanka Wajigii Labaad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Waxa Si Rasmiya Gabiley Uga Bilaabmay Imtixaanka Wajigii Labaad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran.Waxa Magaalada Gabiley Imtixaanka Ufadhiistay Saaka 128 Arday Oo 44 Ka Mida Gabdho Yihiin.Waxa Loo Baahan Yahay In Ay Ka Soo Baxaan 49 Arday Oo Ka Mid Noqon Doona Wajiga Labaad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxa Xusid Mudan In Ay Tahay Markii Ugu Horeysay Ee Gobolka Gabiley Si Gaar Ahaaneed Imtixaan U Galo Kaasi Oo  Loogu Soo Baxayo Wajiga Labaad Ee Barnaamijka  Shaqo Qaran Oo Guud Ahaan Dalka Looga Fadhiistay Maanta Lana Rabo In Ay soo Baxaan 1000Arday.

Waxa Sido Kale Kormeer Kusoo Maray Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Maayerka Degmada Gabiley Si Ay Usoo Eegaan Habsami Socodka Imtixaanku Usocdo.

Waxana Imtixaankan Ka Qeybgalay Arday Ka Yimiday Caasimada  Somaliland Ee Hargeysa. Arintaasi Ayaa Ka Makhraatiya Hanaanka Cadaalada Ku Saleysan Ee Barnaaminka Shaqo Qaran loo Daadihinayo.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 2 people, including Cumar Abdulahi Mawel, people sitting
Image may contain: one or more people and people sitting
GABILEY.NET