7 Qof Oo ku Dhintay Dhul-giriir ku Dhuftay Dalka Turkiga.

Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintey shan kalena waa ay dhaawacmeen markii uu dhulgariir ku dhuftay dalka Turkiga gaar ahaan gobolka xadka ay la leeyihiin Iran, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Dhul gariir ayaa cabirkiisu ahaa 5.7-magnitude, waxaana sidoo kale laga dareemay gobolka Van ee Turkiga.

Dhismooyinka qaar ayaa burburay dad badanna waxay ku go’doonsan yihiin burburka, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Wuxuu intaas ku daray in kooxaha baadi goobka iyo samatabbixinta loo direy gobolka uu dhul gariirku ka dhacay.

Dhulgariir xoog badan ayaa ku dhuftay bariga Turkiga horaantii sanadkan kaas oo sababay dhimashada 41 qof halka ay ku dhaawacmeen 1,600 oo kale.