Aas militari oo loo sameynayo Xusni Mubaarak

Waxaa maanta magaalada Qaahira lagu aasaya madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak oo shaley ku geeriyooday isbitaal ku yaal dalkaas.

Waxaana munaasabadda lagu aasayo horkacaya militariga Masar.

Xusni Mubaarak ayaa lagu wadaa in lagu aaso qaaburo ku yaal bariga Qaahira.

Mas’uuliyiinta dalka Masar waxay ku dhawaaqeen saddex maalmood oo loogu baroor diiqayo Mubaarak.