Abiy Axmed oo lagu wareejiyay taaj qarnigii 18-aad laga xaday Itoobiya

Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands.

Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya.

Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands,Sigrid Kaag.

Social embed from twitter

Abiy Ahmed Ali ??

@AbiyAhmedAli

Today receives a precious crown stolen several years ago and taken to the . I am grateful to Sirak Asfaw and the Netherlands government for facilitating its return. @NLinEthiopia @Landoforigins

View image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter