Boqortooyada Sacuudiga Oo si Kumeel-gaar ah Muslimiinta Ajaanibta Uga Joojisay Cimrada.

Dawladda Sucuudiga ayaa waabergii maanta oo khamiis ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si ku meel gaar ah u joojisay waqtiga cimrada ee sanadkan ay bulshada islaamku ku tagi lahaayeen Sucuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku caddaysay kadib markii madaxda sare ee dalka Sucuudigu ay maalmihii lasoo dhaafay shirar is daba jooga ka yeesheen sidii ay dawladda Sucuudigu uga hor tagi laheyd cudurka khatarta ah ee Corona Virus.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanadka oo dhan Cumro u tega magaalada barakaysan ee Maka, waxaana ay tirada dadka Cumraysana aad sare ugu kacdaa xilliyada uu soo dhaw yahay Ramadaanka.

Xayiraadda ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo ka yar 60 maalmood ay ka harsan tahay xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dowladda Sacuudigu ma aanay sheegin in xayiraadda ay saameyn doonto Xajka sanadkan oo ku beegan bisha July.

Boqortooyada Sacuudigu ayaa waxay xaqiijisay in go’aankani uu saameyn adag ku yeelanayo dadka ajaanibta ah ee ka imanaya dalka dibaddiisa, sidoo kale waxay intaa ku dartay in muwaadiniinta Sucuudiga laftoodu aysan si toos ah u tagi karin cumrada ilaa laga hubiyo caafimaadkooda.

Ma jiro qof qaba cudurka Corona oo ilaa hadda lagu arkay dalkaasi Sacuudiga, hase yeeshee dowladda ayaa joojisay dhammaan ajaanibta uga imanaya dalalka lagu arkay Corona.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid si kumeelgaar ah loo dhaqangelinayo, balse ma aanay sheegin inta ay socon doonto xayiraadda.

Qaar kamid ah dalalka Bariga dhexe ayaa dad qaba cudurka Corono laga helay waxaana ka mid ah dalalkaas Baxreyn,Cumaar iyo weliba Iiraan.

Cudurka Coronovirus ayaa ku sii fidaya dalal badan oo caalamka ah iyadoo laga helay illaa afar boqol oo ruux oo qaba cudurkan dalka Talyaaniga.