Ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo hadda ku dagaallamaya Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in xilligan uu dagaal xooggan halkaa ku dhexmarayo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwo daacad u ah ururka Ahlu Sunna Waljaamaca.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah, maadaama ay xilli hore tahay.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ka horreeyay iska horimaad kooban oo xalay labada dhinac ku dhex maray isla magaaladaasi.

Maamulka Ahlu Sunna ee Galmudug ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada dowladda ay weerrar xalay ku ekeeyeen xarun ku taal magaalada Dhuusamareeb oo ay joogeen mas’uuliyiinta sarsare ee ururkaasi.

Dhanka kale, warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa lagu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay si bareer ah xalay u beegsadeen ciidamo dowladda ka tirsan oo bar koontarool ku sugnaa.