Ciidammada Israa’iil oo toogtay qof dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah

Ciidammada Israa’iil ayaa toogtay qof dhalinyaro ah oo reer Falastiin ah xilli ay xiisad ka taagneyd deegaanka Jenin ee ku yaal Daanta Galbeed.

Ciidammada waxay sheegeen in dagaalka uu ka bilowday markii ciidammada ay burburiyeen guriga nin Falastiini ah oo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay dilka qof u dhashay Israa’iil labo sanno ka hor.

Dhanka kale, laamaha amniga Israa’iil waxay sheegeen inay ku raad joogaan darawal u dhashay Falastiin kaas oo baabuur jiirsiiyay koox askar ah oo Israa’iili ah oo saaka ku sugnaa gudaha magaalada Qudus.

Waxaa ku dhaawacmay weerarkaas 12 askari iyo 2 qof oo rayid ah.

Gaariga la jiirsiiyay askarta ayaa laga helay meel u dhaw magaalada Beytulaxam oo ku taal bariga Qudus.

Exit mobile version