Ciidammo Turki ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Suuriya

Turkiga ayaa sheegay in afar kamid ah ciidammadiisa la dilay halka 9 kalena la dhaawacay kaddib markii ciidammada dowladda Suuriya ay duqeyn ka geysteen gobolka waqooyi galbeed ku yaal ee Idlib.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidammadiisa ay qaadeen dagal rogaal celis ah oo ay ku dileen 35 kamid ah ciidammada Suuriya.

Wax war ah lagama hayo dhinaca Suuriya oo ku aadan weerarkan.

Kumanaan shacab ah ayaa ka qaxaya goobihii ugu dambeeyay ay mucaaradka ku xooggan yihiin halkaas oo ay duqeyn ka wadaan ciidammada dowladda Suuriya iyo dagaalyahanno taageero ka hela Ruushka.

Shacab badan ayaa u qaxay dhinaca xadka Turkiga.

Exit mobile version