Ciyaaryahanka caanka ah ee Pele oo dhiibsaday in uu guriga ka baxo

Ciyaaryahanka caanka ah ee u dheeli jiray xulka qaranka Brazil, Pele ayaa dhibsaday inuu ka baxo gurigiisa kaddib markii uu lasoo kici waayay xannuun dartii, sida uu sheegay wiilkiisa.

Pele xilliggii uu u dheeli jiray xulka Brazil waxay ku guuleysteen ilaa saddex jeer Koobka kubadda cagta ee Adduunka, waxaana lagu tilmaama inuu ahaan jiray laacib si weyn ciyaaraha uga dhex muuqday.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Pele loo qaaday isbitaalka kaddib markii uu ku dhacay caabuqa kaadi mareenka.

Pele oo haatan 79 jir ah ayaa waxaa ku adag socodka, inta badan waxaa la arkaa isaga oo ku socda baaskiilka ay ku socdaan dadka naadafada ah.

Pele ayaa dhaliyay goolal gaarayo 1,281 xilli uu usoo saftay ilaa 1,363 ciyaarood muddadii 21 sanno aheyd ee ku dhex jiray kubadda cagta.