Coronavirus: Talyaaniga oo xaddidaado adag ku soo rogay goobaha lagu arkay caabuqaasi

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo saartay “tallaabooyin culus” oo ay ku xakamaynayso in caabuqa coronavirus uu ku faafo qaaradda Yurub.

Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxa uu ku dhawaaqay qorshe degdeg ah xilli tirada dadka uu caabuqaasi ku dhacay ay sare u kacday oo ay gaartay 79.

Tallaaabooyinka ayaa la soo rogay kaddib markii laba muwaadin oo Talyaani ah la xaqiijiyay inay u dhinteen caabuqan.

Toban magaalo oo ku yaal gobollada waqooyi ee Lombardy iyo Veneto ayaa si adag waxaa loo galiyay karantiil.

Ku dhawaad 50,000 oo qof oo ku sugan magaalooyinkaas gobollada waqooyi ayey mas’uuliyiintu waydiisteen in aanay guryahooda soo dhaafin.

Mr Conte ayaa sheegay in hadda ay mamnuuc tahay in la galo ama laga soo baxo deegaannada uu cudurka ka dilaacay, haddii aanan qofka la siin ogolaansho gaar ah.

Waxaa dhammaan la joojiyay dhamaan dhaqdhaaqyada iyo goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan sida iskuullada iyo ciyaaraha ee deegaannadaas, oo ay ku jiraan ciyaaro ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga oo la qaban lahaa maanta oo Axad ah.

Booliska ama haddii loo baahdo ciidammada qalabka sida, ayey tahay inay xaqiijiyaan in shuruucdaas sida ay tahay loo fuliyo.

Italian Prime Minister Giuseppe Conte chairing an emergency meeting

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in kiisaska cudurka lagu arkay gobollada Lombardy iyo Veneto ay dhaafeen habkii lagu go’doomin lahaa, taas oo adkaynaysa in la xakameeyo.

“Cudurku si aad u xoog badan ayuu u faafayaa,” ayuu yiri madaxa caafimaadka ee gobolka Lombardy Giulio Gallera.

Cudurkan cusub ee coronavirus ayaa markiisii hore waxa uu sanadkii tegay ka soo bilowday gobolka Hubei waddanka Shiinaha, hasayeeshee waxa uu ku faafay 26 dal, halka in ka badan 1,400 oo kiis iyo 11 dhimasho lagu diiwaangeliyay dalalka ka baxsan dhulwaynaha Shiinaha.

Women wearing masks

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Shiinaha ayaa ku warramay in Sabtidii ay hoos u dhacday tirada dhimashada iyo kiisaska cusub ee cudurka coronavirus qaba. Qiyaastii 76,392 kiis oo ay ku jiraan 2,348 dhimasho ayaa lagu diiwaangeliyay gudaha waddanka Shiinaha.

Hasayeeshee goobaha ka baxsan Shiinaha kiisas aanan xiriir cad la lahayn dalkaas iyo kuwo kale ayaa la xaqiijiyay inay sare u sii kacayaan, taas oo keentay walaac ku dhashay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Madaxa hay’addaasi WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in walaaca ugu wayn ee haatan taagan uu yahay in cudurka uu gaaro dalalka hannaankooda caafimaadka uu liito, gaar ahaan qaaradda Afrika.

Medical workers wearing protective gear carry a patient infected with the Covid-19 coronavirus at a hospital in Chuncheon on February 22, 2020

Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay sheegtay in dalkeeda lagu arkay oo la xaqiijiyay tirada ugu badan ee caabuqaasi kaddib Shiinaha iyo markabka Diamond Princess ee ku xayiran meel ka baxsan xeebaha waddanka Japan, kaas oo lagu arkay in ka badan 600 oo kiis.

Xigasho bbc