Daawo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Gaadhey Wadanka Jeeg Republic

Hargeysa(GNN) Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa gaadhey wadanka Jeeg Republic oo kamid ah wadamada ay Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha Dhaqaalaha.

Wadankan oo xubin ka ah Midawga Yurub ayaa waxa gaadhey wasiiro ay kamid yihiin wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin  ,Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia.

Safarkan  ay xubnaha wasiiradda ah ee Somaliland ka socda ay ku tageen wadanka Jeeg Republic ayaa daba socday , safar uu dalkan Somaliland ku yimid wafti balaadhnaa oo ka socday dalkaasi Jeeg Republic, kuwaas oo kulano kala duwan la qaatay xukuumadda Somaliland, qaybaha ganacsata iyo bulshada Somaliland qaybo kamid ah.

Labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jeeg Republic ayaa xidhiidh dhinacyo badani ka dhexeeyey labadii sanno ee ugu dambeeyey, kaas oo keenay in labada dal ay wufuud kala duwan is weydaarsadaan.

Waftigan wasiiradda ah ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la filayaa in ay kulano kala duwan la qaataan xubno kamid ah xukuumadda iyo ganacsatada Jamhuuriyadda Jeega, iyaga oo ka wada hadli doona xidhiidhka iyo danaha labada dal.