Dadka Shiinaha oo ku laabtay shaqooyinka kadib fasaxii Coronavirus

Malaayiin qof oo ku sugan dalka China ayaa maanta shaqada ku laabtay kadib markii ay qaateen fasax dheer, oo looga gol lahaa in hoos loogu dhigo fiidtaanka xanuunka coronavirus, ayada oo tirada dadka u dhintay ay kor u dhaaftay 900 oo qof.

Ugu yaraan 40,000 oo qof ayuu saameeyey cudurka oo dabayaaqadii sanaddii tagtay kasoo shaac baxay magaalada Wuhan.

Si loo xakameeyo cudurka ayaa waxaa aad loo yareeyay dhaq-dhaqaaqa dadka ee intii lagu guda jiray sanadka cusub ee Shiinaha, markaas oo boqolaal qof ay booqdaan ehelladooda.

Sidoo kale fasaxa magaalooyinka iyo gobollada qaar ayaa la gaarsiiyey illaa 10-ka bisha Febraayo oo maanta ku beegan.

Tallaabadan aan caadiga ahayn ayaa magaalooyinka qaar ka dhigtay kuwa cidlo ah, ayada oo dadka ay go’aansadeen inay guryahooda ku nagaadaan.

Inkasta oo ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu sheegay inay jiraan astaamo muujinaya inuu yaraanayo fiditaanka cudurka, haddana ay jiri karaan dad aan weligood China tegin oo uu cudurka saameeyey.

AFP