Dawlada Ethiopia Oo Meeqaam Soodhaweyn Isku Darajo Ah Ku Qaabishay Madaxda Dawladaha Somaliland iyo Somalia.

Hargeisa(GNN):-Labada Madaxweyne Dalalka Somaliland iyo Somalia oo Ku Sugan Dalka Aynu jaarka nahay ee Ethiopia ayaa marka Falanqayn Kooban laga bixiyo qaababka soodhaweynta meeqaamka ay dawlada ethiopia kusoo dhaweysay labadan Madaxweyne yihiin kuwo isku sar go’an, ama isku mid ah,Waxaana mar kaliya baraha bulshada qabsaday Sawirada la is barbar dhigayo, kadib markii caawa fiidkii uu madaxweynaha Somaliland Gaadhay Caasimada Dalka Ethiopia ee addisababa oo waftigii uu hogaaminayey si balaadhan loogu soo dhaweeyey, halka madaxweyne farmaajo oo isaguna gaadhay addisababa maalintii shalay sidaa si lamid u qaabishay dawalada itoobiya.

La soco Wixii Faahfaahin ee Kasoo Kordha Arrimaha laga Wadahadlayo.