“Dawladu Waa In Ay Ogaataa Xilk Saaran, Geelbaa Tartamaya Iyo Waxaasi Inagama Soconayaan”Prof Ibraahim Meecaad.

Hargeisa(GNN):-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo Kamid Ah Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee ku dhaqan Dalka Canada islamarkaana Ka mid ahaa Saraakiishii Ururkii Dib Uxoraynta Gayiga Somaliland Ee  SNM ayaa ka hadlay kulankii Madaxwaynaha Somaliland Dalka Itoobiya Kula Yeeshay Madaxwaynaha Somaliya Maxamed .Cabdilaahi Farmaajo.

Prof Ibraahim Meecaad Ayaa Madaxwayne Biixi ugu baaqay in Uu bulshada Uga Waramo waxa ay ku wada hadleen Madaxwaynaha somaliya Oo Markii Uu Muqdisho Tagay Ku Hadlay Hadalo Gaf Ku Ah Shacabka Somaliland, Isagoo Sheegay In Uu Shacabka Reer Somaliland Baraarujiyeen weedhahaasi Xanafta leh ee kasoo yeedhay farmaajo.

Sidoo kale Prof Ibraahim Ayaa fariimo kala duwan Udiray Xubnaha Magaca Somaliland Sheegta Ee ka Hadla Arimo aan Loo Diran Isagoo gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirrona ugu baaqay in uu ka noqda hadalo dhawaan kasoo yeedhay oo uu kaga hadlay arimaha saami qaybsiga iyo cida jaan goynaysa Masiirka Dalka,

Dhanka kale Prof Meecaad ayaa ka ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya udhexeeya oo uu sheegay in itoobiya Somaliland ku qabto dan wayn oo ganacsi islamarkaana iyada looga baahan yahay in ay ilaaliso xidhiidhka labada dal,

Halkan Kaga Bogo Warkan Oo Faah Faahsan.

Exit mobile version