Dhibyaraan laguma illaawi karo!!….W/Q:-C.wahaab Maxamed Mawliid

Waxa uu bilawday Dhibaatooyinka iyo Faquuqa lagu haya,Dadka reer Soomaaliland.Horaantii Sandkii1983kii.Waxa jiray tacadiyo tiro badan oo iskugu jiray,Xadhig Kufi iyo dhac badheedha.Halku dhigyada Xiliyadaa Caanka baxay ee ay iskugu hal celin jireen Askartii iyo saraakiishii Dawaladdiui kacaanka ee ku sugnaa guud ahaan magaaloyinka hargaysa iyo magaalooyinka kale,waxa kamid ahaa.MAWQXAAD WAYDAY QOF AAD SOO XIDHATO OO AAD LACAG KA QAADATO.Odhaahdan ayaa marag muujin uah dhaca iyo boobka lagu hayay hantida dadka.

Dhab ahaantii kuma koobi karo Qormi iyo laba midna tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii dadkan loo gaystay,Si kastaba ha ahaate Waxaan Qormadan kooban aan tusaale usoo qaadan karaa labo dhacdo oo kamid ahaa dhacdooyinkii ugu xumaa dhiiga badanina ku daatay.

Guud Ahaan Dhibkani waxa uu iskugu jiray,Xadhig,Kufsi,Dil,Baro kicin,iyo boob iyo dhac hantida umadda,Waxa xusid mudan,Bandooga iyo maheradihii Casar kahor albaabada la iskugu dhufan jiray.Waa korxaadis kooban oo kamida dhiaabtooyinkii dadka lagu hayay.

DILKII IYO TOOHASHADIIAFARTANKII QOF EE REER BURCO.

Waxay Sanadihii Dhawr iyo Sideetankii,Markii maalin maal maha kamida saldhigyada Burco lagasoo buuxiyay Afartameeye iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna ubadnaayeen haldoorkii reer burco.Arinta yaabka badan ayaa waxay ahayd in isla markiiba dhamaantood lagu xukumay dil toogosho ah,Waxa la toogtay oo dhagta dhiiga loo daray 38 kamida Afartiikii qof,Waxa laga reebay laba xubnood oo kala ahaa Xaaji Cabdu Cawad(Indha deero) iyo Nibkale oo ay walaalo ahaayeen maayerkii Barbara Cali Dhooqo.Maalinkaa dadkii la tooganayay ayaa laga reebay.Markii dambana iyaka oo xidhan ayaa waxa Cafis usoo fidiyay ina Siyaad barre.dhacadadn waxay tusaale utahay tacadiyada lagu hayay dadka iyo xasuuqii baahsanaa ee lagula kacay.

Dhacada labaad Uma baahna faahfaahin waa dhacdo uu qofkastaa kawarhayo oo reebtay murugo taariikhiya waa dhacdadii taaiikhda gashay ee Loo bixiya XASUUQII JASIIRA.

Waxa mudan in aynu is waydiino Su aalo dhawra sida.

1.Khasaare intee leeg ayaa loo gaystay dadka reer Soomaalilnd?
2.Hanti intee leeg ayaa ku burburtay?Tusaale Maalintii laqaxay magaalooyinka waawayn sida hargaysa iyo burco Way cammirnaayeen dadkuna dhaqaale ayuu ku haystay waxa la iskugu yimid xeryihii qoxootiga iyada oo lafaro madhanyahay,Muddo kadib waxa lagu soo laabtay dhismihii oo dhulka lala simay,,,,Su aashu waxy tahay intee ayay leegtahy qadarka qiimaha hantidaa la gubay iyo maalkii dhexyaalay?
3.Dhimashadii iyo dhaawucu waa intee?
4.Maxaa lagu qiimayn karaa magaalooyin camiran oo dhulka lala simay mood iyo noolba?
Ugu dambayn Waxa mudan in aynu iswaydiino waxaas oo khasaare ah maku filantahay in nin madaxweyne sheeganayaa uu qunyar iska yidhaa raali galin ayaanu ka bixinaynaa oo waanu ka xunahay?

Midda labaad yaa xaq ule in uu saamaxo oo uu aqbalo waxa lagu sheegay raali galinta ma siyaasiga mise madax dhaqameedka mise waa xaq iyo go aan uu iska leeyahay muwaadinkii dhibkan loo gaystay?

W/Q/Clwahaab Maxamed mawliid