Equatorial Guinea oo 2 malyan oo doolar ugu deeqeysa Shiinaha si loola dagaalamo cudurka Corona

Madaxweynaha Equatorial Guinea ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu 2 Malyan oo doolar ugu deeqayo Shiinaha si uu ula dagaalamo caabuqa Corona oo ay ku dhinteen ilaa 636 qof.

Waxaa Talaadadii go’aankan gaaray golaha wasiirada ee Equatorial Guinea si taageero loogu muujiyo dalka uu xiriirka ganacsi ka dhexeeyo ee Shiinaha.

Inkasta oo Equatorial Guinea uu yahay dalka saddexaad ee ugu wax soo saarta badan shidaalka Afrika in ka badan kala bar shacabka dalkaas waa sabool.