Hogaamiyaha Suudaan oo difaacay kulankii uu la yeeshay Netanyahu

Madaxa golaha militariga ee hadda maamulo Suudaan, Janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan ayaa sheegay in weli aanu isbaddalin mowqifkooda ku aadan qaddiyadda Falastiin.

Bayaan laga aqriyay raadiyaha dowladda subaxnimadii saaka ayaa lagu difaacay kulankii dhawaan Uganda ku dhexmaray Burhaan iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu.

Janaraal Burhaan wuxuu sheegay in kulanka uu la yeeshay Netanyahu ay aheyd mas’uuliyaddiisa ku aadan ilaalinta amniga Suudaan iyo danaha shacabka.

Warbaahinta dowladda ma aysan tebin kulanka janaraal Burhaan iyo Netanyahu balse warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa tebisay kulankaas.

Ra’iisul wasaare Cabdalla Hamdok ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo baxay madaxa golaha sare ee militariga ee ka arrimiyo Suudaan balse wuxuu sheegay in go’aanada arrimaha dibadda ay gaaraan golaha wasiirada ee Suudaan.

Exit mobile version