Ilma yar oo lagu dhex kufsaday safaarad uu leeyahay Mareykanka

Nin u dhashay dalka Hindiya oo 25 sano jir ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in xeyndaabka safaaradda Mareykanka ee Magaalada Delhi uu ku kufsaday gabadh yar oo shan sano jir ah.

Wakaaladda wararka ee PTI ee dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in ninkan la xiray maalma kahor, kadib markii waalidiinta gabadha ay u dacwoodeen booliska.

Dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in gabadha la kufsaday, kadib markii baaritaan caafimaad ay ku sameyeen.

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa degenaa xeyndaabka safaaradda, halkaas oo aabaheed uu kamid yahay shaqaalaha ka shaqeeya safaaradda.

Ninkan ayaa la sheegay in gabadha u guri kusoo xirtay, kadib markii uu arkay waalidkeeda oo aan joogin.

Gabadha ayaa waalidkeeda u sheegtay sida ay wax u dhaceen, waxaana markiiba la geeyay isbitaal halkaas oo booliska iyo dhakhaatiirtuba ay xaqiijiyeen in la kufsaday ilmaha yar.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo ah darawal uusan ka shaqeynin safaaradda, balse xeyndaabka dhismaha safaaradda uu kula nool yahay aabihii oo isna kamid ah shaqaalaha safaaradda.

Qoyska gabadha iyo ninka lagu eedeeyay kufsiga ayaa degan dhismayaal ay safaaradda ugu tala gashay shaqaalaha u shaqeeya.

Safaaradda Mareykanka ee Delhi ayaa ku taala xaafadda Chanakyapuri oo ah aag diblomaasi oo ku taala bartamaha caasimadda, halkaas oo ay degan yihiin safaarado badan.

Getty Images

Dhismaha safaaradda Mareykanka oo aad loo ilaaliyo ayaa ku teedsan dhul dhan 25 hektar, waxaan halkaas ka shaqeeyo shaqaalo u dhashay dalka Hindiya.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warramay in qoysaska eedeysanaha iyo gabadha la kufsaday ay aad isu yaqaanaan.

Booliska Delhi ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan eedeysanaha iyadoo la eegayo xeerka badbaadada caruurta.

Ilaa iyo hadda arrintan kama aysan hadlin mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka ee Hindiya oo aan la ogeyn waxa ay ka dhihi doonaan, maadaama falka uu ka dhacay xeyndabaka dhismaha safaaradda.

Sanadkii 2018, Dowladda Hindiya ayaa soo jeedisay sharci dhigaya in dil lagu xukumo qofkii kufsadaa ilma yar.

Sida laga soo xigtay qeybta booliska ee qaabilsan fal dembiyeedyada, afartii kufis ee ka dhaca dalka Hindiya waxaa la sheegay in mid kamid ah lagu la kaco caruur, waxaana boqolkiiba 94 dhibanayaahsa la sheegay inay aqoon u leeyihiin kuwa dhibaateeya.

Wax ka qabasha la’aanta kufsiga ee dalka Hindiya ayaa meel xun gaadhay sanadkii 2012-ka, kadib markii kufsi lagu la kacay gabdho saarnaa bas, waxaana taas ay keentay dibadbaxyo ballaaran oo horseeday in wax laga badelo xeerka ciqaabta kufsiga.