Israsaaseyn laga maqlay magaalada Kismaayo

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland kaddib markii ay israsaareyn dhexmartay ciidammada amniga ee Jubbaland iyo ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar oo sannadkii hore sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Muddo 10 daqiiqo ah ayay israsaaseynta socotay inkasta oo markii dambe ay dib u bilaabatay, sida ay BBC u sheegeen dad ku sugan magaalada.

Waxay xiisadda ka dhalatay markii dad taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ay isku dayeen inay dibadbaxyo ka dhigaan gudaha magaalada.

Wararka waxay sidoo kale sheegayeen in dadka isu soo baxa dhigayay ay la socdeen ciidammo taabacsan Cabdinaasir Seerar.

Waxaan maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo xilli la filayo in halkaas ay gaaraan wafddi uu hogaaminayo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

illaa hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay israsaaseynta.