Itoobiya oo laga helay 29 qof oo looga shakiyey cudurka Coronavirus

Xaruunta dabagalka cudurka Coronavirusee ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay tani iyo marka uu cudurka dillaacay xaruunta in la soo gaarsiiyeyy 29 qof oo cudurkaasi looga shakiyey.

Wasaaradda caafimaadka oo qabatay shir jaraa’id oo ay cudurka kaga hadleysay waxay sheegtay in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyey xaruunta ay soo gaareen isla-markaana dabagal iyo hubin dheeraad ahna lagu sameeyey.

Waxayna wasaaraddu sheegtay baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyey 29-ka qof ee xaruunta soo gaaray 14 ka mid ah waxaa laga helay calaamado cudurkaasi u eg inta si rasmi ah looga ogaanayey iney cudurkaasi qabaan iyo inkalana waxaa lagu karantiilay goob u gaar ah oo lagula socdo xaaladdooda.

Dadkaasi looga shakiyey cudurka muunad laga qaaday oo Koonfur Afrika baaritaan looga dirayna waxaa lau ogaaday 8 ka mid ka ah iney cudurka ka bad qabaan, 3-da qof ee soo hartayna natiijada baaritaankooda Koonfur afrika laga sugayo.

Waxayna wasaaraddu intaa ku dartay 3 qof oo kale oo cudurka looga shakiyey in baaritaankooda loo dirayo Koonfur Afrika.

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu cudurka ka soo billowday dhammaan dadka ka yimaadda waxaa la go’aamiyey in goob u gaar ah lagu karantiilo inta caafimaadkooda laga hubinayo.

Guud ahaan dadka ka yimaadda dalka Shiinaha iyaga oo aan dadka kale ee safarka ah ay isdhex gelin waxaa lagu sameeyaa baaritaanno ay sameynayaan xirfadlayaal u tababaran iyada oo gigada diyaaradaha caalamiga ee Boole ee magaalada Addis Ababa lagu diyaariyey xirfadlayaal qalabkooda u dhammeystiran yahay laanta socdaalkana ay u diyaarisay goob u gaar ah oo loogu adeego dadka dalka Shiinaha ka yimaadda.Wasaaraddu waxay horay u sheegtay 8 qof oo looga shakisanaa iney cudurka coronavirus qabaan baaritaanka lagu sameeyey in lagu ogaaday iney cudurka qabin sidaana looga saaray xaruunti lagu karantiilay oo ay muddo ku jireen.