Jabuuti Oo Qorshaynaysa Inay 2 Sanno Ku Samaysato Dayax-Gacmeed

Dalka Jabuuti ayaa qorshaynaya inay Dayax-gacmeed u gaar ah laba sano gudahood ku sameeyaan, sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) horaantii February.

Kulan lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayuu Madaxweynaha dowladda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, la qaatay Borofeesor Laurent Dusseau, oo ah maamulaha Xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier iyo agaasimaha hay’adda Van Allen Foundation, oo qaabilsan istiraatiijiyaddeeda iyo cilmi-baarista Faransiiska, sida lagu sheegay ADI.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa kulanka ku daawaday muuqaal fiidiyow ku saabsan nidaamka farsamada iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah dhismaha dayax gacmeed.

War-saxaafadeed ka dib kulan uu la yeeshay Madaxweyne Geelle, Professor Dusseau, wuxuu bogaadiyay heerka tacliinta sare ee Jabuuti.

“Waxaan si buuxda ugu kalsoonahay in laba sano gudahood, Jabuuti ay awoodi doonto inay hesho dayax-gacmeedkeeda,” ayuu yidhi Borofeesor Dusseau.

Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jabuuti, Dr Nabil Maxamed Axmed oo ka qayb-galay kulanka, ayaa sheegay in waddanku uu si dhakhso leh wax uga qaban doono horumarinta xirfadaha waddaniga ah ee injineernimada soosaarka Dayaxgacmeedyada.

Dayaxgacmeedkan oo ah mid yar, ayaan la shaacin ujeedadada dalka Jabuuti u adeegsan doono.