Jacob Zuma-ha ay maxkamadda dondooneyso oo la arkay isagoo qori sita

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa kasoo hor muuqday baraha bulshada isago sita qori saacado uun kaddib markii maxkamad ku taal dalkaas ay amartay in lasoo xiro.

Arrintani ayaa hadal heyn ka dhex dhalisay barta Twitter-ka, warbaahinta Koonfur Afrika waxay ku warrantay in Zuma uu sawirka iska qaaday xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal gobolka KwaZulu-Natal.

Sawirka wuxuu soo geliyay bartiisa Twitter-ka xilli uu qoriga uu dul saartay mooto.

Social embed from twitter

7,833 people are talking about this

Report this social embed, make a complaint

Talaadadii ayay aheyd markii maxkamad ku taal Pietermaritzburg ay amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma kaddib markii uu ku guuldareystay inuu kasoo hor muuqdo maxkamad.

Zuma oo loo heysto dacwad musuq maasuq ayaa lagu waday in uu kasoo hor muuqdo maxkamad balse xaaladdiisa caafimaad ayaa laga deyriyay, sida ay sheegeen qareenadiisa.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in maxkamadda looga baahan yahay inay ogaato xaaladda caafimaad ee Zuma.

Laanta qaran ee arrimaha dacwadda ayaa ku doodday in warqaddii muujineysay inuu xannuunsanaa Zuma ay aheyd mid aan la aqbalin karin maadama ay u muuqatay in taarikhda wax laga baddalay.

Haddii maxkamadda ay xaqiijiso in uu ka been sheegay xannuunkiisa isla markaasna uu ku kasoo hor muuqan waayo maxakamadda 6-da bisha May inay ka dhigan tahay in lasoo xiri doono.

Zuma waxaa lala xiriiriyay musuq maasuq dhanka ka ganacsiga hubka sagaashamaatkii.

Balse wuxuu beeniyay inuu wax dambi ah galay.