Labbo Qarax Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

War hadda soo gaadhay Heemaal News ayaa sheegaya in la qarxiyey gaadhi uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka dagmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdi Naasir Xassan.

Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay laguna hago ramuut.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labbo askari oo ilaalo u ahaa masuulkan,oo laftigiisu ku dhaawacmay qaraxa.

Qarax kan la mid ah ayaa lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayaey degmada Heliwaa, iyadda oo rasaas aan loo meel dayin ay ku fureen shacabka ciidamadaasi qaraxa ka dib, lama soo sheegin cid wax ku noqotay.