Ma Dhabbaa In Toogasho Lagu Dilay Halyeygii Reer Brazil Ee Adriano?

Murugo iyo argagax ayaa dunida kubadda cagtu gashay markii uu soo yeedhay warka sheegay in toogasho lagu dilay xiddigii xulka qaranka Brazil iyo kooxda Inter Milan ee Adriano, kaas oo sannadihii ugu dambeeyey ku noolaa xaalad aan wanaagsanayn oo deris la ah maandooriyeyaal.

Adriano oo xulkiisa Brazil u qaaday Copa America, waxa uu ka baxay qaaradda Yurub iyo kooxdiisii Inter Milan markii uu geeriyooday aabbihii, kaddibna waxa uu bilaabay isticmaalka maandooriyeyaasha markii ay dhimashada aabbihii u raacday gabadh ay isku cindanaayeen oo ay iyadana kala tageen.

Sannadihii ugu dambeeyey, waxa warbaahintu ay sheegtay in uu musalafay oo aanu haysanin wax lacag ah, noloshiisuna noqotay inuu ku noolaado xaafadaha isku raranka ah ee aanu amnigoodu wanaagsanayn ee magaalada Rio de Janaiero. Muuqaal warbaahinta lasoo geliyey, waxa uu muujiyey Adriano oo timaha ka jaranaya rayiisle ka samaysan jiingad yar oo ah meelaha ay dadka danyartu ku nool yihiin.

Iyadoo xaaladdaas ay taageereyaashiisii iyo intii taqaanayba la socdaan, ayaa waxa maalintii Jimcihii mar kaliya soo yeedhay war naxdin leh oo tibaaxayay in toogasho lagu dilay xiddigan, waxaana markiiba bilaabmay baroor-diiq iyo in dib loogu noqdo raadkii uu kaga tegay kubadda cagta iyo guulihii Inter Milan iyo Brazil uu la gaadhay.

Markii uu warkaasi faafay, ayaa waxa haddana la ogaaday in laacibkan hore uu nool yahay, waxaana farriin uu bartiisa bulshada ku baahiyey uu ku sheegay in warka geeridiisa ee la sheegay uu yahay been abuur oo aanay waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay muujinaysaa in Adriano uu ku nool yahay xaalad aan wanaagsanayn, ayna la dageen maandooriyeyaasha iyo kooxaha budhcadka ah oo uu halis ugu jiro inay waxyeello u geystaan.