Maraykanka Oo Shaaciyay Inay Dileen Ninkii Al-Shabaab U Qaabilsana Weerarka Manda Bay Kenya iyo Xaaskiisa.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in la dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabab oo mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay iyo xaaskiisa, oo sidoo kale xubin ka ahayd Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in labada qof lagu dilay weerar lala beegsaday 22-kii bishan.

“Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

“Waxa sidoo kale howl-galka lagu dilay xaaskiisa oo xubin fir-fircoon ka ahayd Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahayd dhaq-dhaqaaqyo argagixiso oo kala duwan.”

Taliyaha ciidamada AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay in tan iyo 5-tii bishii Janaayo, markaasi oo weerarka uu dhacay, ay Mareykanka iyo saaxiibadiisa ku raad joogeen kuwii mas’uulka ka ahaa weeraka.

“Weerarkan waxa uu caddeyn u yahay inaan sii wadi doonno inaan si aan daal lahayn u raadsano kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii Manda Bay, iyo kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan Mareykanka iyo saaxiibadeena Africa,” ayuu yiri Townsend.

Weerarkan oo la fuliyey ayada oo la kaashanayo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida uu sheegay AFRICOM.

Weerarkii saldhigga Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo mid uu askari, halka labada kale ay ahaayeen qandaraasleyaal la shaqeynayey ciidanka.