Mareykanka oo sheegay inuu jiro qorshe lagu weerarayo Nairobi

Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa ka digtay in weeraro argagixiso lala beegsan karo huteel weyn oo ku yaal magaalada Nairobi inkasta uusan Mareykanka shaaca ka qaadin magaca goobtaas.

Bayaan ay soo saartay safaaradda waxay ku sheegtay ‘ in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan in gudaha Kenya ay geystaan weerar ay ku beegsanayaan goobaha ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha iyo ganacsatada’

Waxay digniinta horseedeysa cabsida ah in weeraro kale ay dhacaan kaddib weerarkii horraantii sannadkii hore ay Al Shabaab ku qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaal magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof.

Mareykanka wuxuu muwaadiniintiisa ku sugan Kenya ugu baaqay in feejignaan ay muujiyaan marka ay ku sugan yihiin Huteelada iyo goobaha kale.

Dhanka kale, madaxa booliska Kenya ayaa sheegay in boolis badan loo daadgureeyay xudduudaha iyo magaalooyinka kale si ay u sugaan amniga, wuxuuna shacabka dalkaas ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Exit mobile version