Markab ay saarnaayeen 3,700 oo qof oo qaar ka mid ah laga helay cudurka Corona

Markab ay saaran yihiin 3,700 qof ayaa lagu karantiilay xeebaha Japan, waxaa cudurka Corona laga helay ilaa 61 qof.

Markabkan oo lagu magacaabo Diamond Princess ayaa muddo labo toddobaad ah ku xayiran magaalada Yokohama si looga hortaggo faafidda Corona.

Wuxuu bilowday baaritaanka markabka markii nin 80 jir ah oo u dhashay Hong Kong oo bishii hore soo raacay markabkan laga helay cudurka Corona.

Markab ay saarnaayeen ilaa 3,600 qof ayaa lagu karantiilay Hong Kong kaddib markii 8 qof oo saarnaa markabkaas laga helay cudurka Corona.

Kiisaska la xiriira dadka saarna markabka ayaa waxay ka dhigeysaa in ilaa 86 qof uu dhashay Japan uu soo ritay cudurka, waana tiradii ugu badneyd marka laga soo tego Shiinaha oo ah goobtii uu ka dilaacay cudurka.

Mid kamid ah rakaabka saaran markabka oo gacan haatinaya
Image caption: Mid kamid ah rakaabka saaran markabka oo gacan haatinaya

Waxaa sidoo kale jiraa walaac sidii adeeg caafimaad loo gaarsin lahaa dadka lagu karantiilay gudaha markabka.

Dadka laga helay Corona ee saarnaa markabka, waxay u kala dhasheen dalalkan soo socda.

  • Japan: 28 qof
  • Mareykanka :11 qof
  • Australia, Canada: 7 qof
  • Shiinaha : 3 qof
  • UK, New Zealand, Taiwan, Philippines, Argentina:1