Midowga Afrika Oo Go’aan ka Gaaray Heshiiska Qarniga Ee Uu ku Dhaaaqay Trump.

Urur goboleedka Midowga Afrika oo shir uga socdo magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa ay uga soo horjeesteen heshiiska Qarniga Bariga Dhaxe uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump .

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed oo khudbad ka jeediyay shireynaha Ururka ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan heshiiska uu Madaxweyne Trump ku dhaaaqay, waxa uuna tilmaamay in dalalka Afrika taageersan yihiin qadiyadda Falastiin.

Muuse Faki ayaa cadeeyay in Qorshaha Madaxweyne Trump uusan ahayn mid Beesha Caalamka ka tashadeen, isla markaana uu Heshiiskaasi ku xad-gudbayo Xuquuqda Asaasiga ee lee yihiin dadka Reer Falastiin.

Madaxweynaha Masar, C/fataax Alsisi, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, oo isna ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in qadiyadad Falastiin ay tahay mid laabtooda ku taagan ayna garab taagan yihiin wadamada Afrika.

Hogaamiyaal kale oo Afrikaan ah kana hadlay shirka Adis Ababa uga socda Madaxda midowga Afrika ayaa si cad uga soo horjeesteen Heshiiska dhinaca u janjeera uu ku dhawaaqay Trump waxa ayna Madaxda Afrika taageero u muujiyeen Qadiyadda Falastiin.