Mucjiso Cusub Oo Ku Soo Korodhay Cayaartooyda Cayaarta Kubbada Cagta

Weeraryahanka da’da yar ee Erling Haaland ayaa sii wata bandhigyadiisa mucjisada ah, waxaanay shalayna sameeyey taariikh cusub oo uu u dhigay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, kaddib markii uu laba jeer shabaqa soo taabtay.

Erling Haaland ayaa dhaliyey laba ka mid ah shan gool oo ay kooxdiisa Borussia Dortmund ku burburisay naaadiga yar ee Union Berlin, waxaana loo diiwaangeliyey toddoba gool saddex ciyaarood oo kaliya oo uu dheelay.

Dad badan ayaa ku dooday xilligii uu joogay RB Leipzing in gool-dhalintiisa layaabka leh ay tahay mid aan ka soconaynin horyaallada waaweyn gaar ahaan Premier League oo ay waqtigaas xiisaynaysay Manchester United, hase yeeshee ciyaartii ugu horreysay ee uu u saftay Borussia Dortmund oo bishii January

horraanteedii soo iibsatay, ayuu u dhaliyey saddexley ciyaartiisii koowaad, waxaanu ku xigsiiyey labadii ciyaarood ee xigay oo uu min laba gool dhaliyey, waxaana markiiba loo diiwaangeliyey xiddigii ugu horreeyey ee goolal toddoba ah ka dhaliya horyaalka Bundesliga saddexdiisii kulan ee ugu horreeyey.

19 jirkan ayaa dunida layaab ku riday January 18, markaas oo uu beddel kusoo galay ciyaar ay kooxdiisu la dheelaysay Augsburg, waxaanu awood u yeeshay in 25 daqiiqadood oo kaliya uu saddexley ku dhaliyo, taas oo ay waliba u dheerayd inay ahayd kulankiisii ugu horreeyey.

Kulankii labaad oo uu isagana uu beddel kusoo galay, waxay Borussia Dortmund la ciyaartay Cologne markii ay taariikhdu ahayd January 24, waxaanu daqiiqado kooban ku dhaliyey laba gool ka hor intii aanu shalay laba gool oo kale taabsiinin shabaqa Union Berlin.

Rikoodhadan layaabka leh ee uu samaynayo Erling Haaland ayaa waxay niyad jab ku yihiin Manchester United oo ku dhowayd inay heshiis la gasho ka hor intii aanay Dortmund ka hor qaadin. Sidoo kale Barcelona ayaa January 2019 fursad u heshay inay lacag la’aan ku soo qaadato, waxaase ay ka door bidday Boateng oo bilo amaah ah fashil ku dhamaystay.