Museveni oo ka “fiirsanayo” codsiga Natenyahu ee Qudus ku saabsan

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo codsi uga yimid Israa’iil oo ah in Uganda ay safaarad ka furato magaalada Quddus.

Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii magaalada Kampala ay ku kulmeen madaxweynaha Uganda iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Waxaad safaarad ka fureynsaa Quddus, aniga safaarad ayaa ka furanayaa Kampala, waxaan ku rajo wenahay in arrintan aan ku dhaqaaqno mustaqbalka dhaw” ayuu yiri ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Museveni ayaa ugu jawaabay “Arrintaas wan ka shaqeyneynaa, waana ka fiirsaneynaa”

Mareykanka iyo Guatemala ayaa safaarado ka furtay magaalada lagu muransan yahay ee Quddus, Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay tallaabadaas.

Qorshaha nabadeynta Trump ee Bariga Dhexe kaas uu dhawaan shaaca ka qaaday ayuu ku sheegay in Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta waxay gebi ahaanba diideen qorshahaas.