Muxuu Daranaa safarka taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeisa(Sool):-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu safar shaqo ugu baxay jiida hore ciidanka qaranka js ee tukaraq , safarkas oo kaso bilamay 16/02/2020 qaadana doona muddo dhawr cisho ah.

Ujeedada safarka Taliyaha iyo waftiga uu hogaaminayo waxay daarantahay kormeeradii caadiga ahaa, madaamo sanad cusub bilaamay waxa lagama maarmaan ah in ciidanka kor looqaado tayadiisa iyo tiradiisaba iyadoo lafulinayo qorshayaasha cusub ee sanadka 2020 . Taliyuhu wuxuu intii uu ku gudo jiray safarkiisa la kulmay ugu horayn gudoomiyaha Gobolka sool cabdiqani jiidhe halkas oo uu Taliyaha warbixin kasiyey xalada guud ee gobolka islamarkana taliyaha ciidankuna ku amaanay shaqada wacan ee ay gobolka ka qabteen. Sidoo kale Taliyaha ciidanka Qaranka intaa kadib kulan laqaatay Taliyaha aaga bari ,Taliyaasha colalka qaybaha iyo gutooyinka kana dhagaystay xaalada Amaan ee jiida hore ee tukaraq. Taliyaha inta kadib wuxuu uga waramay taliyasha colalka xalada guud ee dalka , wuxuu taliyahu ku amaanay gulihi kala duwan ee ciidanka qaranka u soo hooyeen, waxa kale oo ugu bushareeyay in dhawaan madaxwyahaha Somaliland bixin doono abaal marino bilado dhamaan gutooyinka xubnihii mutaystay. Taliyaha gabagabadi waxaa uu la kulmay odayaasha Deeganka ciidanku ku suganyihiin kuna amaanay sida habsamida leh ee ula shaqeyaan ciidanka qaranka una sheegay ciidanka qaranku inuu yahay kaluun bad jira baduna ay tahay shacabka. Isla markaana u sheegay amaan la,an inaan horumar jirayn Afhayeenka ciidanka qaranka jsl G/sare Cabdi Cabdilaahi Xasan(c.dheere)