Ninkii u sameeyay boqoradda UK Email-kii ugu horreeyay oo dhintay

Ninkii u sameeyay boqoradda UK Email-kii ugu horreeyay sannadkii 1976-dii ayaa ku dhintay da’da 86.

Peter Kirstein oo ku takhasusay cilmiga Koombiyuutarka ayaa ku caan baxay magaca ‘aabihii Interten-ka ee Yurub’, wuxuu dhintay bishii lasoo dhaafay markii uu ka dhacay xannuun dhanka maskaxda ah.

Wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray sameynta xeerarka Interne-ka gaar ahaan marka ay timaaddo macluumaad laiskula wadaago Koombiyuutarada.

Peter Kirstein wuxuu boqoradda u sameeyay Email-kii ugu horreeyay ay adeegsato, wuxuu ka caawiyay hannaanka loo diro farriimaha Email-ka waaggaas.

Wuxuu kamid ahaa Yuhuuddii Jarmalka ee usoo qaxday London sannadihii 1930s.

Exit mobile version