Qalbi Dhagax Oo Diiday In Uu Cafiyo Sanbolooshe “Uma Muuqdo In Uu Toobad Keenay”

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ka jawaabay cafiskii uu dhawaan ka dalbaday Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Cabdikariin Sheekh Muuse ayaa sheegay in aanu Sanbaloolshe ula muuqan mid ay dhab ka tahay cafiskii uu soo weydiistay, isagoo intaa ku daray in aanu keligii oo qura dembi ka gelin, balse uu umadda Soomaaliyeed oo dhan uu dembi ka galay.

Qalbi Dhagax oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Iima muuqan Sanbaloolshe inuu diyaar u yahay danuubtii uu galay, waxyeeladii uu gaystay iyo jariimooyinkii uu isagu galay inuu ka towbad keenay.”

“Sanbaloolshe wuxuu dembi ka galay umadda Soomaaliyeed oo dhan, cidna muusan badbaadinin. ONLF oo urur gobonimo doon ah oo mabaadii’dii iyo asaasigeedii xalaasha ahayd oo umadda Soomaaliyeed lix boqol oo sano ku halgameysay ayuu dembi ka galay, shakhsigeygan dembi buu ka galay. Cidna muusan dhaafin. Marka aniga cafiskiisa ii gaar maaha. Marka intuu si dhab ah u towbad keeno uu umadda cafis weydiisto, hala gaaro, laakiin hadda diyaar uma ahan, hadalkiisuna uma ekayn mid dhaba oo towbad keena.”

Su’aal ahayd sida uu u arko in Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysanayso in ONLF ay tahay urur argagixiso ayuu yiri “Ha isaga adkeysato, ciddii argagixiso ah iyo ciddii argagixiso u shaqayso waala garan doonnaa, hadana way muuqataa ciddii argagixisada gacan-saar la leh iyo ciddii aan gacan-saarka la lahayn.”
Dowladda Somaliya ayaa daba-yaaqadii bishii August ee sanadkii 2017 waxay Qalbi Dhagax u gacan-gelisay Dowladda Itoobiya, sababobtuna ahayd in uu xubin ka yahay ONLF.