Shacabka Uganda oo bilaabay inay ‘cunaan ayaxa’

Shacabka ku nool degmada waqooyiga taal ee Kitgum ee dalka Uganda ayaa bilaabay inay cunaan ayaxa baabi’iyay beerahooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Uganda.

Waxaa shacabka ku qasbay inay cunaan ayaxa in dhalagii kasoo go’i jiray beerahooda uusan jirinba maadama aysan cunto kale heysan, sida ay sheegtay warbaahintaas.

Balse qaar kamid ah shacabka Uganda ayaa walaac ka muujinayaa caafimaadkooda sababta oo ah dowladda Uganda waxay waddaa dadaallo ay sun ku buufineyso ayaxa.

Shacabka waxay sheegayaan in biyo ay ku burinayaan ayaxa isla markaasna ay qalajinayaan si loo cuno.

Wargeyska the Observer ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada dadka cunayo ayaxa.

View image on TwitterView image on Twitter