Sheikhul Beledka Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Arrinta U Dhaxaysa Qaar Kamida Culimada iyo Badhasaabka.

Borama(GNN):-Sheekhul Beleda Magaalada Boorama Sh C/laahi Sheekh Cali Jawhar Ayaa Maanta Isaguna Ka Hadlay Arrinta Badhasaabka Gobolka awdal lagu eedeeyey inuu Diinta ku Caayey Madal Fagaare dad Badan joogaan, Waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in Masuulkan haddii ay jiraan Markhaatiyo ku cadaynaya diin caygaasi Sharciga La mariyo.