Waa kuma Xusni Mubaarak?

Xusni Mubaarak wuxuu dhashay sannadkii 1928-dii, wuxuu ku biiray ciidammada cirka isaga oo da’ yar.

Wuxuu xilliggaas kaalin weyn ka qaatay dagaalkii uu dhexeeyay Israa’iil iyo Carabta sannadkii 1973-dii.

Wuxuu madaxweyne noqday markii la dilay madaxweynihii isaga ka horreeyay Anwar Sadaat.

Xusni Mubaarak wuxuu door weyn ka ciyaaray nabadeynta Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Xilliggii uu Masar ka talinayay waxaa dalka ka jiray shaqaale la’aan, macluul iyo musuq maasuq.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii markii uu kacdoon ka bilowday dalkaas.

Sannadkii 2012-kii, Mubaarak waxaa lagu riday xukun xabsi daa’iin ah kaddib dilkii 900 qof oo ku dibadbaxayay dalkaas xilliggii kacdoonka.