Wasiirka arrimaha sirddoonka Koonfur Afrika oo xogteeda la jabsaday

Wasiirka arrimaha sirddoonka dalka Koonfur Afrika Ayanda Dlodlo iyo ku-xigeenkeeda, Zizi Kodwa ayaa xoogtooda la dhacay kaddib la jabsaday telefoonadooda.

Baraayaal sare ayaa baaraya sababta ka dambeysay in la jabsado telefoonada wasiiradan iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha sirddoonka dalkaas, sida uu sheegay wasiirka aminga.

Ma kala cadda cidda jabsatay xogta saraakiisha.

Afahayeen u hadlay wasiirka ayaa sheegay in la ogaaday in xogteeda la jabsaday markii la helay farriimo muujinayo in wasiirka ay dad kale u dirtay , dhabtii aysan iyadu aheyn, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay arrintani imaaneysa xilli dhawaan tuugo ay dhac u geysatay xarunta weyn ee wasaaradda amniga ee ku taal magaalada caasimadda ah ee Pretoria.

Tuugada ayaa qaatay lacago kala duwan iyo dokumentiyo aan la shaacin, sida ay ku warrantay warbaahinta IOL ee kasoo baxda dalkaas.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii la jabsaday Email uu lahaa madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.