Xogo Laga Helay Kulanka Biixi Iyo Farmaajo

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii u horaysay shalay kulan ku yeeshay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiye Abiye Axmed.

Ma jiro war ay Itoobiya, Somaliland iyo Soomaaliya ka soo saareen kulankaas, laakiin wararka soo baxay ayaa sheegay in kulanku ahaa oo keliya mid dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo oo uu dhex joogay Raysalwasaare Abiye Axmed, waxaana ka maqnaa weftiga labada madaxweyne.

Wararka qaar ayaa sheegay in Abiye oo hadalkaas hadal ka jeediyay uu ka waramay ahmiyada ay gobalka u leedahay kulanka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayuu warku sheegay inuu iyagana dhex maray hadal dood ah oo uu mid waliba ku soo bandhigay aragtidiisa.

Kulanka oo la sheegay inuu ahaa mid aan qorshaysnayn, ayay wararku intaas ku darayaan inuu qaatay 40 minit, waxaana suurtogal ah inay yeeshaan kulan labaad.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee dhex mara Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo oo labadii sannadood ee u dambeeyay uu dhex maraayay dagaal siyaasadeed oo ay warbaahinta isu marinayeen hadalo kul kulul.