6 qof oo Soomaali ah oo xanuunka Covid-19 ugu dhintay Dalka Sweden”

Nairobi(GNN):-Dalka Sweden ayaa ka mid ah wadamada Europe ee Cudurka Covid-19 uu gaaray, warbaahinta gudaha Sweden ayaa xaqiijisay in 20kii sacadood ee la soo dhaafay ay xanuunkaan u geeriyoodeen dad kor u dhaafay 10 qof.

Dadka Xanuunkaan u dhintay ayaa la sheegay in 6 ka mid ah ay yihiin dad Somali-Swedish ah, dadka xanuunkaan uu dilay ayaa u badan dad waayeel ah waxaana dawlada ay hadda bilawday sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta caafimaadka bulshada.

Dawlada Sweden ayaa bilawday qaadista talaabooyin ay kaga hortagyaso faafista cudurkaan, dadka ayaa loogu baaqayaa in ay joogaan guryahooda, sidoo akle waxaa la xadiday goobaha la isugu yimaado iyo kulamada balaaran