800 Oo Qof Oo Hal Maalin Talyaaniga Ugu Geeriyootey Cudurka Covid 19

Dadka Talyaaniga ku nool waxaa lagu soo rogay bandowga Gawaarida gaarka loo leeyahay ayaanan shaqeyneynin, gaadiidkii dadweynaha ayaa gabi ahaanba la joojiyay Suuqyada ayaa xiran Hadana waxa uu wali yahay wadanka ugu badan ee saameynta xooggan ku yeeshay Caalamka.

Dalka Talyaaniga, tirada dhimashada coronavirus waxay gaartay 793 24 saac gudahood.

Tirada dhimashada cudurkan ayaa guud ahaan gaartay ilaa 4825 dalka Talyaaniga kaliya. Tirada dadka uu ku dhacay fayraska Corono ee ku nool Talyaaniga ayaa gaaraya 53,578.