Al-Shabaab oo toogtay lix nin oo ay ku sheegeen ‘basaasiin’

Muqdisho(GNN):-Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay magaalada Buu’aale, ay ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.

Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.

Exit mobile version